Maxkamada ciidamada Puntland oo Mar kaliya dil ku xukuntay dad gaaraya 17 qof

Maxkamada ciidamada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug xukun adag ku riday dad gaaraya illaa sideed iyo toban rag ah oo lagu eedeeyey iney ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Toddobo iyo toban ka mid ah raggan waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxey ku eedeysan yihiin in magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kala duwan oo ka tirsan maamulka Puntland ay ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux.

Dadkan ay laayeen ayaa isugu jirey xubno ka mid ah dowladda iyo shacab rayid ah. Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano ah

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa sheegtay raggan iney isugu jireen qeybo kala duwan oo Al Shabaab ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu laayey dad aad u tiro badan. Tiradan ayaa la oran karaa waa tii uggu badneyd ee mar kaliya dil toogasho ah lagu xukumo taariikhda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -